Sahan media Muqdisho: Turkiga ayaa bilaabay inuu dhex dhexaadiyo wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska dekedda Addis Ababa ay la saxiixdeen maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland horaantii sanadkan, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen afar sarkaal oo arrintan la socda.
Wada-hadalladan ayaa ah isku daygii u dambeeyay ee lagu hagaajinayo xidhiidhkii dublamaasiyadeed ee u dhexeeyay dalalka jaarka ah ee bariga Afrika, kaas oo xidhiidhkoodu xumaaday bishii January markii Itoobiya ogolaatay inay Somaliland ka kirayso 20 kilomitir (12 mayl) oo xeebta ah si ay u aqoonsato madaxbannaanideeda.
Muqdisho ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci darro ah, waxayna ka aargoosatay in ay erido safiirkii Itoobiya, waxayna ku hanjabtay in ay dalka ka saari doonto kumannaan ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka oo gacan ka siinaya dagaalka ay kula jiraan kooxaha Islaamiyiinta ah.
Afhayeen u hadlay dowladda Soomaaliya, wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga iyo wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, dowladda iyo sirdoonka ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo faallo ah.
Afhayeen u hadlay Somaliland oo halgan ugu jirtay sidii ay aqoonsi caalami ah u heli lahayd inkasta oo ay iskeed isu maamusho oo ay ku naaloonayso nabad iyo xasillooni tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanida 1991-kii, ayaa sheegay in aanay wax lug ah ku lahayn wadahadallada.
Hadafka wada xaajoodku ma cadda, rajada laga qabo in xal laga gaarona waxay ahayd mid hoose, laba ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa sheegay.
“In kasta oo ay jiraan warar sheegaya in Soomaaliya ay ka debcisay mowqifkeeda ku aaddan diidmada wada-hadallada illaa ay Itoobiya ka baxayso [heshiiska], haddana waxay u muuqataa mid aan dhici karin,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha.
“Ma arko waddo loo maro, mana filayo in wax badan ay ka iman doonaan wadahadalladan.”
Turkiga ayaa saaxiib dhow la ah dowladda Soomaaliya tan iyo markii ugu horeysay ee Madaxweyne Recep Tayyip ErdoÄŸan uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii, isagoo tababaray ciidamada ammaanka, isla markaana ka caawiyay dhanka horumarinta.
Labada dowladood ayaa bishii Febaraayo kala saxiixday heshiis dhanka difaaca ah kaas oo Ankara ay ku bixin doonto taageerada dhanka amniga badda Soomaaliya si Soomaaliya u difaacato baddeeda.
Turkiga waxa uu dhisay iskuulo, isbitaalo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxa uuna deeqo waxbarasho u fidiyay Soomaalida si ay wax ugu bartaan Turkiga, taa badalkeedana waxa uu saldhig ka dhigtay Afrika oo marin muhiim u ah maraakiibta caalamka.