Google search engine
HomeWararka Dibadda20 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay waqooyiga Itoobiya kadib markii...

20 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay waqooyiga Itoobiya kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya ENDF iyo FANO

Sahan media Muqdisho: Ugu yaraan 20 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay iska horimaadyo culus oo u dhaxeeya ciidamada waqooyiga Itoobiya iyo ciidamada Fano, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Khamiistii.

Dagaalka oo sidoo kale la isku adeegsaday hubka culculus ayaa ruxay deegaano badan oo u dhow magaalada Gonder ee gobolka Axmaarada oo ah goob fano ah, sida ay sheegeen mareegaha gudaha oo soo xiganaya dadka deegaanka.

Toddobaadkii hore, ciidamada Itobiya (ENDF) waxay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan “hawlaha sharci fulinta” oo ay si wadajir ah u fulinayaan ciidamada gobolka ee Axmaarada, dadaalladan oo socday muddo sannad ka badan, si ay u damiyaan dagaalka.

“Howlgalka sharci-fulinta waxa uu joogsan doonaa oo kaliya marka ay nabad buuxda ka dhalato gobolka Axmaarada” ayuu yiri Col. Getenet Adane, oo ah madaxa xiriirka dadweynaha ee ENDF, isagoo ka digay in maleeshiyaadka gobolka ay “tijaabiyaan dulqaadka ciidamada Itoobiya”. sida lagu sheegay war laga sii daayay Telefishanka dawladu maamusho ee Axmaarada.

Aadane ayaa sidoo kale sheegay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay la dareemayay abaabulo hubeysan oo la doonayay in lagu wiiqo ciidamada, islamarkaana talada dalka lagula wareego. “Sidaas darteed, waxaan u baahanahay inaan si cad u sheegno in dowladda ay ka go’an tahay in xafiis kasta oo dowladeed laga helo hub sharciyaysan.

Waxa uu sidoo kale xusay in isku dayo lagu doonayay in wadahadal nabadeed lala galo maleeshiyaadka ay ilaa hadda guul dareysteen.

Iska horimaadyo ayaa dib u soo cusboonaaday oo u dhexeeya maleeshiyada Fano iyo ciidamada dawladda sannadkii hore ka dib markii ay la dagaallameen fallaagada Tigreega ee waqooyiga oo la soo afjaray.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments