Sahan media Muqdisho: Maxkamadda waxa ay maanta soo saareysaa go’aanka eedeysane Sayid Cali Macalin Daauud oo loo heysto inuu gubay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Luul C/casiis.
Labada reer ee wiilka iyo gabadha waxaa u furan Racfaan hadii aysan ku qancin go’aanka, waxaana kiiska la wareegi doonta maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir.
“Maxkamadda iyada oo gudaneyso waajibaadka saaran ee ku xusan qodobada 75, 89 XHCS, waxa ay muddaysay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee summaddiisu tahay MGB/DCL/147/2024 maalinta arbacada ah ee taariikhud tahay 06/02/2024, saacadduna ay tahay 12:00 duhurnimo” ayaa lagu yiri qoraal horay uga kasoo baxay Maxkamada gobolka.
Sidoo kale waxaa la faray taliyaha qaybta baarista dambiya ee CID-da inuu maxkamadda horkeeno eedeysanaha, maalinta arbacada oo ah kama dambeysta maxkamaddiisa.
Maxkamadda Gobolka ayaa sidoo kale amartay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo qareennada difaacaya eedeysanaha inay soo xaadiraan maalinta la shaaciyay, si ay goobjoog uga noqdaan maxkamadda iyo ku dhawaaqista xukunka.