Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan.
Wareegto ku taariiqeysan 5/03/2024 kana soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle ayaa lagu sheegay in xilka Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe loo magacaabay Maxamuud Maxamed Nuur “Masdile”
Waxaa wareegtada xilka qaadista Axmed Meyre Makaraan lagu sheegay inay ka timid talo soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle iyo iyo muhiimada ay leedahay dardargelinta maamulka gobolka Sh/dhexe,
Axmed Meyre Makaraan ayaa hayay xilka guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe muddo ka badan 7 sano.