Google search engine
HomeWararka Maantamadaxweyne xasan oo dhaqangal ka dhigay ansixinta Dastuurka

madaxweyne xasan oo dhaqangal ka dhigay ansixinta Dastuurka

Sahan medoa Muqdisho: Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay ‘nuqulka rasmiga ah’ ee cutubyadii dastuurka ee ay Sabtidii codka aqlabiyadda leh ku ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka JFS, oo ay cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.” ayaa lagu yiri bayaanka Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray “in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisidda hay’ado dowladeed oo hufan.”

Madaxtooyada ayaa intaas ku dartay in munaasabadda saxiixa ay goobjoog ka ahaayeen guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wax ka bedelka Dastuurka ayaa waxaa ka horyimid siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweyne-yaashii hore ee Soomaaliya ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo maamul goboleedka Puntland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments