Sahan media Muqdisho: Somaliland ayaa sheegtay in dastuurka cusub ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay uusan khusaynin.
Wasiirka Warfaafinta Cali Xasan Maxamed ‘Cali Mareexaan’, oo waraysi siiyay warbaahin maxalli ah, ayaa sheegay in reer Somaliland aysan waligood qayb ka noqon dastuurka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay hada kahor aaminsanayd in Somaliland oo maqan aan dastuur la samayn karin, lakiin ay hada samaysteen dastuur u gaar ah, oo ay soo afjareen doodoodii hore, waxaanu sheegay intaasi ay ka dhigan tahay in Somaliland ay Soomaaliya aqoonsatay.
“Waxa ku cusub ee soo kordhayna waxa weeyaan uun in wixii ay iskugu sheekayn jireen ee ay odhan jireen Somaliland ayaa la sugaya ay soo afjareen, oo ay yidhaahdeen awrkiinu haku qaado oo ay ku tashadeen dantooda iyo dalkooda” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan.