Google search engine
HomeWararka MaantaSomaliland sidee ayay uga falcelisay go'aanka Dowladda Federalaka?

Somaliland sidee ayay uga falcelisay go’aanka Dowladda Federalaka?

Sahan media Muqdisho: Xukuumadda Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay qaraarka dowladda federaalka ee ka dhanka ah Itoobiya ayaa si jees-jees ah uga jawaabtay xirista qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa.

Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan awood u laheyn inay xirto qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa.

Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland ayaa sheegtay in go’aamadda shalay kasoo baxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya aanay marnaba saameyn ku yeelan doonin Somaliland, oo ayadu ku doodda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo taasi uu caalamka u aqoonsaneyn.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Marwo Rooda Jaamac Cilmi ayaa sidoo kale sheegtay in qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa uusan markii hore ku iman go’aan ka yimid dowladda federaalka, haddana aan lagu xiri doonin go’aan kasoo baxa.

“Go’aankaasi (qaraarka Golaha Wasiirrada Soomaaliya) go’aan na khuseeya anaga maaha, hadaanu nahay dowladda Somaliland, wax anaga meel noo yaala oo saameyn nagu leh marnaba maaha, laba dal oo kala madax-bannaan ayaanu nahay markaa taasi anaga nooma taalo,” ayay tiri Marwo Rooda oo la hadashay VOA.

Waxay intaasi kusii dartay “Markii la furayay xafiiska Itoobiya ee Hargeysa lagama talo-gelin dowladda Soomaaliya, imikana go’aankaasi ma soo dhaafi doono qolkii ay ku shireen Golaha Wasiirrada.”

Sidoo kale waxay sheegtay in go’aannada kale ee xataa kasoo bixi doona Golaha Wasiiradda ee la xiriira is-afgaradka ay Somaliland iyo Itoobiya ku gaareen Addis Ababa aysan saameyn ku yeelan doonin gudaha Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments