Google search engine
HomeWararka MaantaDuulimaadkii SQ321 ee London kuna socotay Singapore oo uu qof ku dhintay...

Duulimaadkii SQ321 ee London kuna socotay Singapore oo uu qof ku dhintay dhaawacyana ay jiraan

Sahan media Muqdisho: Duulimaadka SQ321 “Waxay la kulantay duufaanno ba’an oo jidka ku soo jiray”, diyaaradda Singapore Airlines ayaa bayaan ku sheegtay boggeeda Facebook.

“Waxaan xaqiijin karnaa inay jiraan dhaawacyo iyo hal dhimasho ah oo saarnaa diyaaradda Boeing 777-300ER.”

Waxaa saarnaa 211 rakaab ah iyo 18 shaqaale ah.

“Muhiimaddeenu waa inaan siino dhammaan gargaarka suurtagalka ah dhammaan rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda”, ayay tiri shirkaddu.

“Waxaan la shaqeyneynaa maamulka maxalliga ah ee Thailand si aan u bixinno gargaarka caafimaad ee lagama maarmaanka ah.”

Afhayeen u hadlay garoonka diyaaradaha Suvarnabhumi ee Bangkok ayaa sheegay in koox caafimaad ay heegan ku jireen.

Diyaaradda Singapore ma aysan sheegin tirada dadka ku dhaawacantay, balse warar badan oo ka soo baxay warbaahinta Thailand ayaa sheegay in 30 qof ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka gaadiidka ee Singapore Chee Hong Tat ayaa sheegay in dowladdu ay gargaar siin doonto rakaabka iyo qoysaskooda.

“Aad ayaan uga xumahay in aan wax ka ogaado shilka diyaaradda SQ321 ee Singapore Airlines oo ka duushay London Heathrow kuna socotay Singapore,” ayuu ku soo qoray qoraal uu soo dhigay Facebook. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska marxuumka.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments