Sahan media Muqdisho: Dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto la dagaallanka argagixisada iyo dadaallada lagu horumarinayo dalka, intii lagu guda jiray kulan uu shalay la yeeshay Safiirka Ruushka Mikhail Golovanov Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Danjire Golovanov ayaa bogaadiyay horumarka ay dowladda Maxamuud ka sameysay la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah sida Al-Shabaab oo muddo sanado ah qalqal geliyay xasiloonida Soomaaliya. Wuxuu sheegay in xaqiijinta amniga iyo ka adkaanta argagixisada ay tahay mudnaanta koowaad ee kaalmada Ruushka ee Soomaaliya.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha iskaashiga horumarinta iyo bini’aadantinimada. Ruushka ayaa Soomaaliya ugu deeqay 25,000 oo tan oo qamadi ah dhamaadkii sanadka 2023-ka, taasoo qeyb ka ah gargaarka uu u fidinayo wadamada ay saameeyeen colaada u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine.
Madaxweyne Maxamuud ayaa uga mahadceliyey taageerada Ruushka, waxaana uu rajo ka muujiyey in iskaashiga labada dal uu sii wadi karo ballaarinta dhinacyo badan.
Kulanka ayaa muujinaya rabitaanka Ruushka ee ah in uu saameyn badan ku yeesho Geeska Afrika iyada oo ay socoto colaadda Ukraine. Xoojinta xiriirka dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaaneysa Ruushka in ay suurtagal tahay in uu saaxiib cusub ka helo gobolka istiraatiijiga ah iyo badweynta Hindiya.