Sahan media Muqdisho: Mareykanka iyo Midowga Yurub (EU) ayaa xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxaha mintidka ah ee ku soo badanaya baddaha sare, iyadoo Kenya loo doortay in ay noqoto dalka labaad, kadib Seychelles, si ay u aqbasho una maxkamadeyso dadka looga shakisan yahay dambiyada badda.
Wadamada leh dhaqaalaha ugu sareeya ayaa walaac ka muujiyay carqaladeynta ganacsiga badda cas ee Xuutiyiinta Yemen iyo dib u soo noqoshada burcad badeedda Soomaaliya iyagoo sheegay in kooxaha sharci darrada ah ay tahay in la ciribtiro.
Ciidamada badda ee Midowga Yurub (EU Navfor) ayaa xaqiijiyay in Kenya ay ka caawin doonto Seychelles sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd dadka looga shakisan yahay dambiyada badda sababo la xiriira kororka kiisaska badda ee la soo sheegayo.
Safiirka Midowga Yurub ee dalka Kenya Henriette Geiger ayaa sheegtay in amniga badda uu yahay mid walaac leh maadaama ay keentay in ganacsiga uu hakad galo, Midowga Yurubna uu la shaqeyn doono dowlado kala duwan si loo xakameeyo amni darada ka jirta badda.
Ms Geiger oo ka hadlaysay Mombasa intii uu socday xiritaanka tababarada badda ee u dhexeeyay Kenya iyo ciidamada Midowga Yurub, ayaa sheegtay in ciidamada Midowga Yurub ee Navfor ay kordhin doonaan joogitaankooda goobaha kala duwan ee laga soo sheego burcad-badeednimada, maandooriyaha iyo ka ganacsiga dadka iyo dambiyada kale.
Eu Navfor Somalia waxa ay ku guulaysteen in ay xakameeyaan burcad badeeda sanadihii hore balse howlgalka Atalanta ee hada ciidamadu waxa ay kala shaqayn doonaan dawlado kala duwan sidii wax looga qaban lahaa burcad badeeda soo ifbaxday iyo kooxda sharci darrada ah ee Suweys Canal” ayuu yiri Safiirka.
Ms Geiger oo ay wehlinayeen safiirka Spain Christina Diaz iyo dhiggeeda Talyaaniga Roberto Natali, ayaa sheegtay in inkasta oo khatarta burcad-badeedda Soomaalida xilligan lagu tilmaamay inay yihiin kuwa qunyar-socod ah oo ka baxsan xeebaha Soomaaliya, haddana weerarrada fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa weli ah welwelka ugu weyn, taasoo keentay in dib loo rogo maraakiibta. waddo dheer oo loo maro Cape.
“Seychelles waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay wax ka qabashada tuhmanayaasha lagu qabtay biyaha, hadda Kenya waxa ay noqon doontaa dal kale oo Midowga Yurub uu heshiis sharci ah la galay si loogu ogolaado in maxkamad la soo taago tuhmanayaasha burcad-badeedda ah ee ay qabtaan maraakiibta dagaalka,” ayuu yiri danjiraha.
14-kii Maajo, lix qof oo looga shakisan yahay inay budhcad-badeed yihiin ayaa lagu wareejiyay maamulka Seychelles si loogu maxkamadeeyo Hawlgalka Atalanta ee EU Navfor, oo lagu eedeeyay inay ka soo jeedaan Somalia oo ku lug lahaa weerarkii burcad-badeednimo ee lagu qaaday Jasiiradda Marshal, Merchant Vessel Chrystal Arctic 10-kii May.
Hawlgalka Atalanta waxa uu heshiisyo sharci ah la leeyahay Seychelles, kaas oo ogolaanaya in maxkamad la soo taago tuhmanayaasha budhcad-badeedda ee la qabto. Taliye ku-xigeenka hawlgallada madaniga ah iyo militariga ee Taliska Mareykanka ee Afrika Ambassador Robert Scott, ayaa booqday Madagascar, Mauritius iyo Seychelles usbuucii hore si uu ula kulmo mas’uuliyiinta dowladda ee saaxiibka la ah oo uu kala hadlo dadaallada gobolka ee waddamada si wax looga qabto caqabadaha amniga badda.
Booqashadii Mr Scott ee Xarunta Hawlgallada Isku-dubbaridka Gobolka ee Seychelles iyo Xarunta Fusion ee Macluumaadka Badaha Gobolka ee Madagascar waxay soo bandhigtay sida waddamada Galbeedka Badweynta Hindiya ay uga shaqaynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen caqabadahan.