Sahan media Muqdisho: Mareykanka ayaa Isniintii (3-dii June) ku dhawaaqay qaraar qabyo ah oo Golaha Ammaanka uu ku taageerayo qorshaha xabbad joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas uu qeexay Joe Biden usbuucii hore, isagoo ku booriyay Xamaas inay aqbasho.
“Madax iyo dowlado badan, oo uu ku jiraan kuwa gobolka, ayaa taageeray qorshahan,” ayay tiri safiirka Mareykanka Linda Thomas-Greenfield.
Qoraalka qabyada ah, oo ay aragtay AFP, “wuxuu soo dhaweynayaa heshiiska cusub ee lagu dhawaaqay May 31, wuxuuna ugu baaqayaa Xamaas inay si buuxda u aqbasho oo ay u fuliso shuruudaheeda dib u dhac la’aan iyo shuruud la’aan.”
Biden ayaa jimcihii soo bandhigay waxa uu ugu yeeray qorshaha Israel ee ah in saddex waji lagu soo afjaro colaada dhiiga badan ku daatay, lana sii dayn doono dhamaan dadka la haystayaasha ah iyo in dib loo dhiso dhulka la burburiyay ee falastiiniyiinta iyadoo aanay Xamaas awood ku lahayn.
Horaantii Isniintii, Aqalka Cad ayaa sheegay in Biden uu u sheegay amiirka dhexdhexaadiyaha Qatar inuu u arko Xamaas inay tahay “caqabadda keliya ee hortaagan xabbad-joojin dhammaystiran” Gaza, wuxuuna ku boorriyay inuu kooxda ku cadaadiyo inay aqbalaan.
Xamaas ayaa todobaadkii hore sheegtay in ay si wanaagsan u eegayso dulucda Biden, balse tan iyo markaas wax hadal ah kama soo bixin wadahadalada hakadka galay, halka dhexdhexaadiyayaasha Qatar, Masar iyo Mareykanka aysan ku dhawaaqin wax wadahadal ah oo cusub.
Kahor inta uusan Biden shaacin jimcihii, Algeria ayaa todobaadkii hore faafisay qaraar qabyo ah oo ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah iyo in la joojiyo duullaanka ay Israa’iil ku hayso koonfurta Qaza ee Rafah, iyadoo loo cuskanayo amarkii uu dhawaan dhaqan galay ee kasoo baxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.
Goluhu waxa uu ku dhibtooday sidii uu cod midaysan u heli lahaa tan iyo markii uu dagaalku qarxay 7-dii October ee ay Xamaas weerartay Israa’iil, waxaana xigay ololaha aargoosiga ah ee Israa’iil.
Ka dib markii la meel mariyay laba qaraar oo udub dhexaad u ahaa baahida gargaarka bini’aadantinimo ee dadka Gaza, bishii Maarso goluhu wuxuu meel mariyay qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah -laakin racfaan uu dhowr jeer oo hore hor istaagay Mareykanka.