Google search engine
HomeWararka MaantaIthiopia ma loo cusbooneysiin doonaa joogitaanka Soomaaliya?

Ithiopia ma loo cusbooneysiin doonaa joogitaanka Soomaaliya?

Sahan media Muqdisho: Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ka horyimid Hadal uu dhawaan sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya kaasi oo ahaa in gebi ahaanba Ciidamada Itoobiya dalka laga saarayo dhammaadka Sannadkan 2024.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa Jimcihii Warbaahinta ka sheegay in Ciidamada Itoobiya guud ahaan Soomaaliya ka baxayaan dhammaadka sannadka 2024 markaasi oo uu dhammaanayo Wakhtiga Joogitaanka Hawlgalka ATMIS.

Waxaase Tallaabadaasi ka horyimid Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir Maxamed kuwaasi oo labaduba sheegay in haddii Ciidamada Itoobiya dalka laga saaro taasi fursad siinayso kooxaha Al-shabaab in ay dib u qabsadaan dhulka ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in haddii la saarayo Ciidamada Itoobiya ay u baahan tahay in Wada tashi laga yeesho islamarkaana aysan cid gaar ah go’aankeeda ku bixin karin sida ay labadaasi mas’uul sheegeen.

“Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waa khawaarajta, mana ahan arrin ay kawada hadleebn dadka wax wada leh” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan halka Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir Maxamed uu yiri” Haddii hadda dalka ciidankaas laga wada saarayana waxay u baahatan yahay in laga tashado oo cid keliya aysan go’aan ka gaari karin. Koonfur Galbeedna way ku faraxsan tahay inay Itoobiya sii joogto”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments