Sahan media Muqdisho: Dagaal qaraar ayaa laga soo sheegayaa magaalada Ceel-dheer, kadib markii halkaasi ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyada aroortii hore ee Sabtida maanta ah.
Al-shabaab waxay sheegtay weerar ‘cagmarin’ oo ay ka geysatay xerooyinka ciidamada dawladda ee ku yaala magaaladaas, laakiin sheegashadan si madax banaan looma xaqiijin.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weerarkan ‘jab xooggan’ ugu geystay Al-shabaab, sida lagu sheegay qoraal kusoo baxay warbaahinta dowladda.
“Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo.” ayay qortay warbaahinta dowladdu.
Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan ilaa hadda lama oga.