Sahan media Muqdisho: EgyptAir ayaa ku dhawaaqday in saddex duullimaad oo cusub ay bisha July bilaabi doonto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, caasimadda Ivory Coast ee Abidjan iyo sidoo kale Jabuuti.
Saddex duullimaad ayaa shaqayn doona todobaadkii – Axadda, Talaadada iyo Jimcaha. Abidjan laga bilaabo Luulyo 9, sida ay sheegtay shirkadda qaranka Masar.
Waxa ay intaa ku dartay in laba duulimaad lagu wado in todobaadkiiba laga bilaabo 11-ka Luulyo ay ku duuli doonaan marinka hawada ee isku xira Qaahira, Jabuuti iyo Muqdisho.
Tirada duulimaadyada EgyptAir Africa ayaa la filayaa in ay kor u kacdo ilaa 32 marka la gaaro 2028 iyada oo la qorsheeyay in la bilaabo khadadka cusub ee Senegal ee Dakar, Angola ee Luanda, Cape Town ee Koonfur Afrika, Mali ee Bamako, Harare ee Zimbabwe, iyo Zambia ee Lusaka.