Google search engine
HomeWararka MaantaSidee loo dhaqan galinayaa qaraarka xabad joojinta Gaza ee golaha ammaanka u...

Sidee loo dhaqan galinayaa qaraarka xabad joojinta Gaza ee golaha ammaanka u codeeyay?

Sahan media Muqdisho: Golaha ammaanka ee QM ayaa u codeeyay taageeridda qorshaha uu Mareykanku wado ee xabbad-joojinta loogu soo dabbaalayo Gaza.

Qorshahan ayaa waxaa ka mid ah shuruudo la hor dhigayo xabbad joojin buuxda oo dhammeystiran, sii deynta dadka ay heystaan Xamaas, soo celinta meydadka dadkii la heystay iyo is dhaafsiga maxaabiista Falastiiniyiinta.

Ilaa 14 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay qaraarkan. Ruushka ayaa ka gaabsaday.

Qaraarka ayaa dhigaya in Israa’iil ay aqbashay qaraarka xabbad-joojinta, wuxuuna ugu baaqayaa Xamaas inay sidoo kale aqbasho.

Warbixin ka soo baxday xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, kaddib ansixinta Golaha Ammaanka ee qaraarka xabbad-joojinta Qasa ayaa looga hadlay dhaqan-gelinta qaraarkaasi.

Sida ay sheegtay  Linda Thomas-Greenfield, Ergayga Qaramada Midoobay ee Mareykanka waxay caddeysay in Maraykanku uu Israa’iil ka caawin doono sidii ay u hirgelin lahayd qaraarka, waxayna sheegtay in Masar iyo Qatar ay Xamaas ka caawin doonaan sidii ay dhankooda u dhaqangelin lahaayeen soo jeedintaasi.

Markaa waxay intaa ku dartay; “Sababtoo ah Golaha Ammaanku wuxuu si xad dhaaf ah u meel mariyey arrintan.. hadda waxay u taal dhinacyada inay u hoggaansamaan oo ay fuliyaan.”

Maraykanku wuxuu si cad u sheegay in Israa’iil ay ogolaatay soo jeedintan. Taasi waxay cadaadis badan saaraysaa Israa’iil. Waxayna si cad u tahay guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Maraykanka,maaddama uu markaanna hoggaaminayo inuu istaago dagaalka Qasa.

Tan ayay dunidda kale sameyn kari waayeen, xilligaa oo Mareykanka uu hub siinayay Israa’iil , codka qayaxanna ku diiddayay qaraarradii xabbad-joojinta ee la keenay golaha Ammaanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments