Sahan media Muqdisho: Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shir lagu soo bandhigayo warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qiimaynta khasaarahii ka dhashay daadadkii El-Niño ee sanadkii hore.
Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, tamarta, xanaanada xoolaha, qorsheynta, wasiiru dowlayasha waxbarashada, beeraha, iyo guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, iyo sidoo kale kale safiirro, wakiillo ka socda Qaramada Midoobey, Bankiga Adduunka iyo Midowga Yurub.
Waxaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Raisalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmad Jaamac oo sharraxay culeyska nooc walba leh ee uu keenay El-Nino, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigayaa muuqaallo muujinaya heerka qasaare ee uu gaarsiiyay ummadda Soomaaliyeed.