Google search engine
HomeWararka MaantaXisbigee ku guuleysan doona maanta doorashada ka dhacaysa Ingiriiska?

Xisbigee ku guuleysan doona maanta doorashada ka dhacaysa Ingiriiska?

Sahan media Muqdisho: Wargeyska The Sun ee ka soo baxa Ingiriiska ee uu leeyahay Rupert Murdoch ayaa taageeray xisbiga shaqaalaha iyo hoggaamiyahooda Keir Starmer Arbacadii, hal maalin ka hor doorasho qaran.

Dadka Britain ayaa maalinta Khamiista u codayn doona doorasho ay ra’yi ururintu sheegeen in xisbiga Labour-ku uu xukunka ku qaban doono, soona afjari doono 14-kii sano ee dawladdii Conservative-ka.

“Waxaa la joogaa waqtigii isbeddelka,” The Sun ayaa ku tiri tifaftir ay ku daabacday onlineka.

“Dhibaatada aan laga gudbi karin ee soo wajahday (Konserfatifku) waxay tahay – muddada 14-ka sano ah ee inta badan fowdada ah – waxay noqdeen kuwo kala qaybsan, oo aad u daneynaya inay naftooda la dagaalamaan halkii ay dalka maamuli lahaayeen.”

Waxa ay intaa ku dartay: “Weli waxaa jira walaac badan oo ku saabsan shaqada … Laakin, isaga oo xisbigiisa dib ugu soo celiyay xudunta siyaasadda Ingiriiska markii ugu horeysay tan iyo Tony Blair oo ku jiray lambarka 10, Sir Keir wuxuu ku guuleystay xaqa uu u leeyahay inuu qaato hoggaanka dalka.

Wargeysku wuxuu ku biirayaa Financial Times iyo Sunday Times si ay u taageeraan xisbiga shaqaalaha ee mucaaradka.

Wargeysyada kale, Daily Mirror iyo Guardian ayaa sidoo kale taageeray Labour, halka Daily Mail iyo Daily Telegraph ay taageereen Konserfatifka. The Economist, oo ah joornaal toddobaadle ah oo u ololeeya ganacsiga, ayaa culeyskeeda gadaal ka riixay Labour.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments