Google search engine
HomeWararka MaantaAf hayeenka W/Gaashaandhigga oo ka hadlay Howgalka Bariirre Sh/Hoose

Af hayeenka W/Gaashaandhigga oo ka hadlay Howgalka Bariirre Sh/Hoose

Sahan media Muqdisho: Howlgal sifeyn ah oo maanta ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay in ka badan 10 maleeshiyaad iyo horjoogayaal ah oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyadoo tiro intaas ka badan lagu dhaawacay howlgalka, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Nuur-Gare oo u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana gobolkaas ka socda howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ku dhuumaaleysata deegaanada fog-fog ee Sh/Hoose.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa shalay ku guuleystay inay Khawaarijta ka soo badbaadiyaan ku dhowaad 20 gaari oo madax-furasho u heysteen iyo sidoo kale waxaa jira dhagarqabayaal lagu qabtay howlgalka ka socda Sh/Hoose, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments