Google search engine
HomeWararka MaantaWaa sidee xaaladda beelihii ku dagaallamay degmada Luuq?

Waa sidee xaaladda beelihii ku dagaallamay degmada Luuq?

Sahan media Muqdisho: Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland oo maalmahaan ku sugnaa degmada Luuq ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan xal u helidda dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Luuq.

Warsaxaafadeedkan ayaa dhigaya:

1- in loo hoggaansamo xabad joojin shuruud la’aan ah.

2- in la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay.

3-in laga wada qeybqaato nabadda.

4- in dadku ay ku soo laabtaan guryahooda.

5- in loo diyaargaroobo wadaxaajood ay ka qeybgalaan dhinacyadii dagaalamay.

Mas’uuliyiinta ka qeybgalay heshiisiinta bulshada ku sugan degmada Luuq waxaa kamid ahaa Wasiir dowlaha Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cumar Maxamed iyo Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Heshiiska nabadeed ee la dhexdhigay beelihii ku dagaallamay degmada Luuq waxaa kaloo ka qeybgalay maamulka degmada Luuq iyo odayaasha dhaqanka iyo waxgaradkooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments