Google search engine
HomeWararka MaantaFaarax Macallin oo hortagaya Guddiga NCIC si uu uga jawaabo hadallo laga...

Faarax Macallin oo hortagaya Guddiga NCIC si uu uga jawaabo hadallo laga sameeyay

Sahan media Muqdisho: Xildhibaan Faarax Macallin oo ka jawaabayay muuqaal laga duubay oo la sheegay in uu kaga hadlay sida uu ka yeeli lahaa dadka dibadbaxayayay ayaa u sheegay KTN in uu yahay muuqaal wax laga beddelay oo la sameeyay.

“Waa la jarjaray oo laysku dhajiyay, erayo meelo kala duwan laga soo qaatay ayaa laysku daray. Waxyaabo badan oo qashin ah ayaa ka buuxa. Waa Soomaali waxa sidaa sameyn kara, waayo siyaasadooda ayaan ku miisaamay. Ma ahan sawirka saxda ah” ayuu yiri Faarax Macallin.

Fiidoywga oo meelo badan gaaray ayaa lagu arakayay Xildhibaan Faarax oo Afsomali ku hadlaya, oo dhahaya hadii uu ahaan lahaa madaxweynaha Kenya in uu dili lahaa maalinkasta 5,000 oo dibadbaxayaal ah.

Waxaa lagu eedeeyay in muuqaalka uu ka dhex sheegay in dhallinyarada dibadbaxayaasha ay yihiin kuwa ka soo jeeda qoysaska hodanka ah kaddibna lagu soo daadiyay magaalada, ujeedkuna uu yahay in ay rabshado abuuraan.

Dadweynaha Kenya waxay dalbadeen in la xiro oo dacwad lagu soo oogo xildhibaan Faarax Macallin oo la sheegay in hadaladiisa ay yihiin kicin looga horjeedo dhallinyarada reer Kenya ee dibadbaxayaasha ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xildhibaan Faarax Macallin hadallo uu sheegay ay xiisad abuuraan. 2010-kii ayuu Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Kenya Moses Wetangula ka codsaday Baarlamaanka kenya in baaritaan uu ku sameeyo Faarax Macallin oo xilligaas ahaa Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaank. Baaritaankaas, ayaa uu wasiirku sheegay in uu ku saabsan yahay hadallo la sheeghay in uu guddoomiye ku xigeenku ka jeediya mar uu sanadkii hore booqday Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments