Sahan media Muqdisho: Booliska gobolka Western Cape ayaa bilaabay baadi goobka ka dib markii saddex muwaadin oo Soomaali ah lagu toogtay xaafadda Imizamo Yethu ee ku taal Hout Bay.
Booliska ayaa sheegay in lix qof oo kale ay dhaawacyo ka soo gaareen weerarka, isla markaana xaalad halis ah loola cararay isbitaalka.
Dableyda oo aan heybtooda la garan ayaa lagu soo waramayaa in habeenimadii Jimcaha ay weerar ku qaadeen dukaan lagu iibiyo spaza oo ku yaalla beerta Mandela ee Imizamo Yethu’s waxaana ay rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa, halkaasi oo ay ku dileen saddex qof, lix kalena ay ku dhaawacmeen.
Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in aan la ogeyn sababta ka dambeysay weerarka. Si kastaba ha ahaatee, xubnaha bulshadu waxay aaminsan yihiin in dhacdadani ay la xiriirto baad.
Saraakiisha kiiskan baarayay ayaa shacabka ka codsaday inay la wadaagaan maamulka wixii xog ah oo ay ka hayaan weerarka ama kooxda weerarka geysatay.