Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka mid ah khudbadiisa uga hadlay cidda ay ku waajibeyso canshuurta cusub ee iibka oo wasaaradda maaliyadda ay sheegtay in qaadisteeda la bilaabayo Axada berri ee 18-ka bishaan.
Madaxweynaha ayaa shaaciyey labo arrin oo caadi ka dhigeysa in loo hoggaansamo go’aanka dowladdu ay ku qaadeyso canshuurtaas, kuwaas oo kala ah:
1 – in canshuurtaan ay horay u bixi jireen ganacsatada Soomaaliyeed “Waxaa maalin kasta la idinka qaadin jiray iyadoo la idin handadayo, waxayna geli jirtay gacno aan aamin aheyn, hadda waxaan ka shaqeynay inaan ku qaadno gacan aamin ah oo System marsiino,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
2 – Nidaamka Marjentiga la yiraahdo ayaa canshuurtaan lagu qaadayaa, “Qof leesin heysta oo ganacsade ah kaliya ayaa isticmaala nidaamkaas, dadweynaha caadiga ah kama go’eyso lacagtaas, EVC lacag aad ku dirtay kama go’eyso,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa balan-qaaday in dadka ku takri falaya awooda dowladnimada uu dadka ka qaban doono, isagoo codsaday in dowladnimada loo hogaansamo oo canshuurta la bixiyo.
“Waa nala kabaa tan iyo markii dib loo soo dhisay dowladnimadeena 3-aad sanadkii 2000, taas waxaan uga bixi karnaa inaad canshuurta bixisaan,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay soo gaartay cabashada ganacsatadu ay ka qabaan dekedda, canshuuraha ama meel kasta oo ay wax ka tabanayaan “Wasiirka Maaliyadda ayey la fariisteen oo cabashada u gudbiyeen, wasiirka kaligiis ma quseyso arrintaan ee hey’ado badan oo dowladda kamid ah ayey ka dhaxeysaa, waxaana lagu dhaqaaqay in wixii qaldan la saxo,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu hayo xogta qaar kamid ah ganacsatadii balanta la soo gashay wasiirka oo abaabulaya rabshado iyo balaayo aan loo baahneyn, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ka digay in magaaladaan lala yimaado wax sharciga baal-marsan.