Sahan media Muqdisho: Soomaaliya ayaa ku biirtay Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka ee IAEA maanta oo Isniin ah Shirka Guud ee Vienna.
Soomaaliya waxa ay sheegtay in ku biiristaasi ay tahay tallaabo muhiim ah oo ka tarjumeysa sida ay uga go’an tahay dalka horumarinta isticmaalka nabdoon ee tamarta Nukliyeerka.
“Waa waqti taariikhi ah oo dalkeenna u ah, taasoo muujineysa sida aan ugu heelan nahay ka-qeybgalka nukliyeerka ee nabadda iyo horumar waara,” xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu yiri bayaan Isniintii.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daud Aweis ayaa yiri isaga oo xubin ka ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Nukliyeerka “Soomaaliya waxa ay rajaynaysaa in ay beesha caalamka kala shaqeyso sidii teknolojiyadda Nukliyeerka looga faa’ideysan lahaa qarankeenna iyo in la xaqiijiyo heerka ugu sarreeya ee badbaadada iyo amniga.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ka faa’ideysiga tamarta Nukliyeerka si xilkasnimo leh si loo taageero horumar waara iyo sare u qaadida tayada nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Soomaaliya ayaa ah tii ugu cusbeyd iyo 179-aad ee xubinta Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka.