Sahan media Muqdisho: Hay’adda Qatar Charity (QC) ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay Isbitaalka Banaadir ee Hooyada iyo Dhallaanka ee magaalada Muqdisho, Soomaaliya, si loo maareeyo loona tayeeyo qeybta daryeelka degdegga ah ee dhallaanka (NICU), taasoo ah dadaal cusub oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee carruurta dalka.
Waxaa heshiiska u saxiixay Dr Fartuun Sharif oo ah agaasimaha guud ee isbitaalka Banaadir iyo Abdul Fattah Adam oo ah agaasimaha xafiiska QC ee Soomaaliya, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka iyo wakiilo ka socday waaxda caafimaadka.
Heshiiska ayaa looga gol leeyahay in la kordhiyo tirada dhallaanka jilicsan iyo kuwa soo barakacay ee ku jira isbitaalkan dowladda 10% dhallaanka cusub ee ku dhasha isbitaalka iyo 30% kuwa laga soo gudbiyo isbitaalka dibadda. Waxa kale oo ay higsanaysaa in ay bixiso dhammaan agabyada lagama maarmaanka ah, oo ay ku jiraan sahayda caafimaad ee casriga ah, qalabka, iyo shaqaale caafimaad oo aad u xirfadaysan, si loo hagaajiyo daryeelka loogana fududeeyo culayska NICU.
Intii lagu guda jiray xafladda saxiixa, Drs Sharif ayaa mahadcelin u jeedisay QC, iyadoo tiri, “NICU waa mid ka mid ah waaxaha ugu muhiimsan ee bixiya adeegyada caafimaadka xasaasiga ah iyo kuwa lagama maarmaanka ah, waxaana rajeyneynaa in iskaashigan uu gacan ka geysan doono daboolida baahiyaha aasaasiga ah.”
Adam wuxuu yiri: “Iskaashigani wuxuu muujinayaa sida ay Qatar Charity uga go’an tahay taageeridda dhallaanka cusub, ee u baahan adeegyo daryeel caafimaad oo gaar ah.”