Google search engine
HomeWararka MaantaMarkabka cilmi-baarista iyo ilaaladiisa oo kusoo wajahan xeebaha Somalia

Markabka cilmi-baarista iyo ilaaladiisa oo kusoo wajahan xeebaha Somalia

Sahan media Muqdisho: Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in uu maraakiib u daabuli doono biyaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan markab laga leeyahay dalka Turkiga oo wada cilmi baaris iyo sahan dhanka tamarta ah, iyadoo ay jirto walaac laga qabo khataro soo food saara markabka ku sugan biyahaasi.

Sida lagu sheegay warbixin oo soo xiganaysa laba ilo oo xog ogaal u ah arrintan, Turkigu waxa uu ku hawlan yahay feejignaan weyn oo la xiriirta badqabka markabka Oruc Reis, gaar ahaan markabka loo xilsaaray inuu ka hawlgalo badweynta Hindiya.

xeebaha Soomaaliya Waxaa lagu wadaa in lagu sameeyo daraasad seismic ah oo 3D ah oo aagga ah, taas oo Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, uu todobaadkii hore sheegay “waligeed horay looma samayn biyaha Somalia,

Tallaabadan ayaa ka dhalatay heshiis taariikhi ah oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii Febraayo, ujeeddaduna tahay in si toos ah loo xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in gacan laga geysto dhismaha iyo horumarinta ciidamada badda.

Qayb muhiim ah oo ka mid ah heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee, waa ogolaanshaha Turkiga la siiyay si uu uga ilaaliyo biyaha Soomaaliya khataraha dibadda, oo ay ku jiraan kuwa burcad-badeedda, iyo sidoo kale in la siiyo xuquuq ay ku sahamiyaan oo ay ka qodaan ilaha tamarta ee aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Maraakiibta ayaa loo xilsaaray howshaas ilaalinta, sida warbixinta lagu sheegay, waxayna raaci doonaan markabka cilmi-baarista ee badda Soomaaliya inta lagu jiro bisha soo socota.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments