Sahan media Muqdisho: Markab siday 3,000 oo tan oo gargaar bini’aadantinimo ah oo loogu talagalay Soomaaliya ayaa ka dhoofay magaalada Mersin ee koonfurta dalka Turkiga. Gargaarkan oo ay iska kaashadeen hay’adda ka hortagga masiibooyinka iyo xaaladaha deg-degga ah ee AFAD oo ay taageerto hay’adda bisha cas ee Turkiga iyo hay’ado kala.
Xafladda sagootinta ah, ayaa madaxda heyadda AFAD, waxa aysheegtay tan iyo 2016-kii, intii uu talada hayay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, in Turkigu uu gaarsiiyay in ka badan 60,000 oo tan oo gargaar ah dalka ku yaalla Bariga Afrika, kaas oo u nugul masiibooyinka dabiiciga ah, oo ay ka mid yihiin abaaro, macaluul, fatahaado, iyo duufaanno. .
Waxa uu ku nuux-nuux saday sida ay uga go’an tahay Turkiga sidii ay u caawin lahayd dadka u baahan gudaha iyo guud ahaan gobollada dalka, isaga oo tilmaamay wax-qabadka muuqda ee ururada bulshada rayidka ah iyo samafalayaasha. markabkan oo sida 130,000 oo xirmo oo raashin ah oo ay la socdaan noocyo kala duwan oo raashiin ah, agab nadaafadeed, dhar, iyo agabka hoyga ayaa ku soo xirtay dekedda Muqdisho