Google search engine
HomeWararka MaantaSafaaradda Shiinaha oo dareys ciidan ugu deeqday Booliska

Safaaradda Shiinaha oo dareys ciidan ugu deeqday Booliska

Sahan media Muqdisho: Wang Yu, Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad ay dowladda Shiinaha ugu deeqday dareeska Booliska Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu halkaasi ka jeediyay khudbado.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firiin, oo ah wakiilka dowladda Soomaaliya ayaa martigeliyay munaasabadda.

Danjire Wang Yu ayaa sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya ay yihiin saaxiibo daacad ah, isla markaana ay iska kaashanayaan caawinta labada dhinac.

Shiinuhu waxa uu taageero firfircoon siiyaa Soomaaliya si kor loogu qaado horumarkeeda madax-bannaan iyo awoodda la-dagaallanka argagixisanimada iyada oo u adeegsanaysa gargaar dhinacyo kala duwan leh.

Deeqdan dareeska booliska ee Shiinaha ay ugu deeqday Soomaaliya ayaa labaduba ah tallaabo muhiim ah oo lagu fulinayo is-afgaradkii ay labada mas’uul ku gaareen shirkii FOCAC ee looga hadlayay tayeynta iskaashiga istiraatijiyadeed ee Shiinaha iyo Soomaaliya, iyo tallaabo firfircoon oo lagu caawinayo Soomaaliya sidii ay uga hortagi lahayd dambiyada iyo kor u qaadida amniga guud

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments