Google search engine
HomeWararka MaantaXildhibaan Maxamed Abiib oo xabsiga laga sii daayay

Xildhibaan Maxamed Abiib oo xabsiga laga sii daayay

Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa sii daysay xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo tan iyo bilowgii bishan ku xirnaa xabsiga Mandheere ee magaalada Hargeysa.

Maxkamadda ayaa sharci darro ku tilmaantay xargiisa, iyadoo qoraal ay soo saartay maanta oo Isniin ah ku amartay taliyaha ciidamada asluubta ee Somaliland in xabsiga Mandheere laga sii daayo xildhibaanka.

Maxkamaddu waxay sheegtay in xariga xildhibaan Abiib uu baal maray sharciga, waxaanay u cuskatay in golaha wakiillada Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku diideen xasaanadii ay xeer ilaalinta dowlada dooneysay in laga qaaday xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa horaantii bishan lagu xiray madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa isagoo ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana lagu eedeeyay inuu galay khiyaamo qaran, inuu sumcad dil u geystay ciidamada, islamarkaana uu ka soo horjeestay danaha Somaliland.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments