Sahan media Muqdisho: Shirkii Maalgashiga iyo Ganacsiga Qurbajoogta ee sida weyn loo buun buuninayay ee ka socday Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa waxaa soo wajahay dib u dhac, iyadoo qaar ka mid ah dadkii ka hadlay madashaas lagu eedeeyay in dowladda Kenya ay u diiday inay u safraan.
Dhambaal loo diray guddoomiyaha guddiga qabanqaabada, afarta xubnood ee baarlamaanka ee kala ah Richard Momoima Onyonka, Okiya Omutatah, Carren Nyamu iyo Dr. Manduku uma suurtagelin inay u safraan dalka Mareykanka sababo kala duwan oo isugu jira baasabooro laga xayiray iyo kuwa kale oo ku guul daraystay in golaha fulinta ay xubnaha baarlamaanka ka nadiifiyaan xayiraada safarada.
Martida kaliya ee u suurtagashay inay timaado waa La-taliye Sare Pheroze Nowrojee, oo khudbad muhiim ah ka jeedinaya munaasabadda.
Maalmihii u dambeeyay Senatarrada Onyonka iyo Okiya ayaa soo bandhigayay fadeexado la sheegay in ay ku lug lahaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan madaxweyne William Ruto gaar ahaan tii la xiriirtay la wareegiddii Cadaani oo ruxday qolalka wararka iyo baarlamaanka dalkaas oo dadka Kenyaanka ah ay su’aalo iska weydiinayaan habka uu u dhacay heshiiska kireynta muddo 30 sano ah. .
Guddida qabanqaabada ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan bandhigga ganacsiga, isla markaana ay ku dhiirigelinayaan qurba-joogta inay si weyn u yimaadaan oo ay isku xiraan qaybaha kala duwan ee hantida ma-guurtada ah, bangiyada iyo wax-soo-saarka, iyagoo soo bandhigaya wax-soo-saarkooda iyo adeegyada ay u hayaan qurba-joogta maalgashadayaasha ah.