Sahan media Muqdisho: Ciyaarta kama dambaysta ah ee FIFA Club World Cup 2025 ayaa lagu qaban doonaa New Jersey, guriga kooxda NFL ee New York Giants iyo New York Jets, sida uu ku dhawaaqay maamulka kubbadda cagta adduunka. Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa ku dhawaaqay safka rasmiga ah ee tartanka dib u habeyn lagu sameeyay Sabtidii.
Tartankan oo ka kooban 32 kooxood oo la balaariyay, isla markaana ay ka soo qayb galayaan kooxo hormood ah oo ka kala socda caalamka, ayaa lagu qaban doonaa dalka Maraykanka 15-ka June ilaa 13-ka July.
Wadarta 12 goobood ayaa loo isticmaali doonaa tartanka iyada oo laba ka mid ah kaliya ay ku yaalaan Xeebta Galbeed – Rose Bowl ee Pasadena oo u dhow Los Angeles iyo Lumen Field ee Seattle.
Tartankan ayaa waxa uu dhacayaa isla wakhtigaas oo uu qabsoomayo koobka dahabka ah ee CONCACAF ee gobolada oo inta badan lagu qaban doono xeebta galbeed.
Garoonka korka ka furan ee finalka, oo la furay sanadkii 2010-kii, waxaana uu qaadaa 82,500, waxaana lagu qabtay finalka Copa America Centenario 2016 markaasoo Chile ay markii labaad rigoore ka diiday Lionel Messi ee Argentina. Waxay sidoo kale martigelin doontaa finalka Koobka Adduunka ee FIFA 2026.
Garoomada kale ee martigelin doona ciyaaraha waa – Mercedes-Benz Stadium (Atlanta), Bank of America Stadium (Charlotte), TQL Stadium (Cincinnati), Hard Rock Stadium (Miami), GEODIS Park (Nashville), Camping World Stadium (Orlando) , Inter&Co Stadium (Orlando), Lincoln Financial Field (Philadelphia) iyo Audi Field (Washington, DC).