Google search engine
HomeWararka MaantaAbdel Fattah al-Burhan ayaa diiday wadahadal ka dib markii ay duqeeyeen diyaaradaha...

Abdel Fattah al-Burhan ayaa diiday wadahadal ka dib markii ay duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Sahan media Muqdisho: Hogaamiyaha ciidamada Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa sheegay in militarigu aysan ku biiri doonin wadahadalka ka dhacaya Switzerland bisha soo socota ee looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka ka badan hal sano oo ay kula jireen ciidamada gargaarka degdega ah (RSF).

Al-Burhaan ayaa hadalkan sheegay Arbacadii, wax yar ka dib markii ay Millateriga sheegeen inuu ka badbaaday weerar ay Diyaaradaha Drones-ku ku qaadeen Qalin-jabin ciidan oo ka dhacday Saldhigga Ciiddanka Gibeit ee ku yaalla Bariga Sudan oo ay ku dileen ugu yaraan 5 qof.

“Kama laaban doono, isma dhiibi doono, mana gorgortami doono,” al-Burhan ayaa u sheegay ciidamada.

“Kama cabsaneyno diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,” ayuu ka sheegay saldhigga Gibeit, oo qiyaastii 100km (62 mayl) koonfur-galbeed ka xigta Port Sudan, halkaas oo ay ka carareen dawladdii ku bahoobay ciidanka ka dib markii uu dagaal la galay RSF bishii Abriil ee sannadkii hore. Dagaallada ayaa abuuray dhibaatada barakaca ugu weyn ee adduunka waxaana ku dhintay ugu yaraan 15,500 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Muuqaal laga duubay weerarkan oo ay xaqiijisay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa muujinayay askarta oo socod ku maraysa xaflad qalin jabin ah ka hor inta aan la maqlin dhawaqa qaylo dhaanta ah. Kadib waxaa dhacay qarax.

Muuqaal ay ciidamadu faafiyeen oo ay sheegeen in laga duubay magaalada Gibeit ka dib weerarka ayaa muujinaya al-Burhaan oo ay ku faraxsan yihiin dad rayid ah, oo ku dhawaaqaya, “Hal ciidan, hal qof.”

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse RSF-ta ayaa beenisay in ciidamada qalabka sida ee gacanta ku haya dhul badan oo dalka ah ay mas’uul ka ahaayeen.

Arbacadii, lataliyaha dhanka sharciga ee RSF Mohamed al-Mukhtar ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in weerarku uu ahaa “natiijadii khilaaf gudaha ah oo u dhexeeya Islaamiyiinta”. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sheegashada lama helin isla markiiba.

Diidmada wadahadalka
Diidmada Al-Burhaan ee wadahadalka Switzerland ayaa ku soo beegmaysa maalmo kadib markii hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan “Hemedti” Dagalo uu sheegay in kooxdu ay ka qayb qaadan doonto wada xaajoodka, kaas oo lagu waday in ay si wada jir ah u marti galiyaan Maraykanka iyo Sucuudiga 14ka Agoosto.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Masar ayaa loo qorsheeyay inay goobjoog ka noqdaan. Imaaraatka Carabta, oo iska fogeeyay eedeymaha ah in ay hub siiyaan RSF-ta, ayaa sidoo kale ka qeyb galaya.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments