Sahan media Muqdisho: Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay hordhaca muuqaal ay duubeen kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigayo sii uu u dhacay weerarkii Hotel SYL.
Labo gaari oo nooca raaxada ah ayaa lagu geystay weerarkaas, waxaana gaadiidka la arkaya markii ay dhaafayaan isgoysyada Tarbuunka, Shaqaalaha, Dabka, Sayid ilaa Hotelka SYL oo labada gaari ay ku qarxeen.
Ragga weerarka fuliyey ee toos u dagaalamay oo afar nin ahaa ayaa gaariga ka raacay banaanka hore ee masjidka Isbaheysiga Islaamka, waxayna raacayaan gaariga dambe, iyagoo dagaal ku galay Hotelka, markii uu qarxay gaarigii hore.
Intaas oo dhan muuqaalka ayaa laga dhex arkayaa, balse waa hordhac muuqaalka ay caawa baahisay warbaahinta dowladda, waxaana isagoo dhameystiran la sheegay in la baahi doono habeenka Khamiista ah.
Nin oday ah oo sharaxaya sida loo soo gudbiyey gaadiidka is qarxiyey ayaa ku jira muuqaalka kooban ee caawa la baahiyey, kaas oo u xiran hey’adaha ammaanka, gaar ahaan NISA oo la wareegtay galka barista kiiskaan, markii uu weerarku dhacay.
Askar ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka mid ah dadka u xiran soo gudbinta gaadiidkii ku qarxay weerarka Hotel SYL, waxaana weli socda baaritaan xoog leh.
NISA ayaa dhawaan baahisay in weerarkaas loo qabtay 16 qof oo ku eedeysan inay qayb ka ahaayeen, balse waxaa laga xusay nin magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir oo gaadiidka qarxay soo geliyey magaalada.