Google search engine
HomeWararka MaantaCiidamadii is horfadhiyay galbeedka Mudug oo lakala qaaday

Ciidamadii is horfadhiyay galbeedka Mudug oo lakala qaaday

Sahan media Muqdisho: Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleystay in la kala qaado miliishiyo beeleedyo bilihii u dambeeyay ku dagaalamayay deegaanno ku yaala galbeedka gobolka Mudug.

Maleeshiyooyinka iska soo horjeeday ayaa loo kala asteeyay in ay tagaan magaalooyinka Goldogob iyo Bandiiradley ee isla gobolka Mudug.

Aagagga laga qaaday kooxaha ay dirirtu dhexmaraysay ayaa amnigooda waxa lagu wareejiyay ciidamo ka kala socda Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka amniga ee Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo ka hadlayay munaasabadda miliishiyooyinka lagu kala qaadayay ayaa wacad ku maray in tallaabo sharci ah laga qaadi doono kooxda isku dayda in ay dhibaato ku noqota heshiiska la gaaray. Waxa uu sheegay in ciidamada isku dhafka ah ay u fasaxan yihiin in ay la falgalaan kooxdii heshiiska jabisa.

‘’Cid kasta oo isku dayda in ay carqaladayso nabadda, in ay carqaladayso wanaagii iyo xabad joojintii halkan lagu gaarayna tilaabo sharci ah in ay ka qaadaan way u fasaxan yihiin, waxa la rabaa in labada dhinacba ay is xakameeyaan’’ ayuu yiri wasiir gaboobe.

Wasiirka maaliyadda ee maamulka Puntland Maxamed Faarax oo isna kamid ahaa madaxdii goobjooga u ahayd heshiiska labada dhinac ayaa sheegay in amnga laga bilaabo Goldogob illaa Bandiiradley ay gacanta ku hayn doonaan ciidanka isku dhafka ah.

‘’Amniga Goldogob illaa Bandiiradley, ma rabno mar dambe ciidan oo ka soo duula Goldogob ama ka soo duula Bandiiradley, ciidankan baa u xilsaaran in ay hubiyaan nabadda, in ay hubiyaan qodobadii lagu heshiiyay inay fulaan’’ ayuu yiri wasiir Maxamed Faarax.

Colaadda ka aloosan deegaannada u dhaxeeya Goldogob iyo Bandiiradley oo si goosgoos ah u socotay bilihii la soo dhaafay ayaa galaafatay nolosha dad ka badan 50 qof, sida laga soo xigtay illo wareedyo deegaanka ah.

Xiliyo kala duwan oo la isku dayay in xal kama dambeys ah loo helo dagaalka u dhaxeeya miliishiyo beeleedyada dagaalamaya ayaa lagu guuldareystay, lamana oga sida heshiiskan u dambeeyay u joojin karo colaadda gobolka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments