Sahan media Muqdisho: Turkigu waxa uu sheegay horraantii isniinta in “Sida uu u yimid dhamaadka xasuuqii Hitler, sidaas oo kale uu noqon doono dhamaadka xasuuqii (Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin) Netanyahu.”
“Sida loola xisaabtamayo Naasiyiintii xasuuqa geysatay, sidoo kale kuwa doonaya inay burburiyaan Falastiiniyiinta waa lala xisaabtami doonaa,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
“Bini’aadanku waxay garab istaagi doonaan Falastiiniyiinta, ma awoodi doontaan inaad burburiso Falastiin,” ayay raacisay.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa ku yiri X “Madaxweynaheenu waxa uu noqday codka damiirka aadanaha”.
“Kuwa doonaya inay aamusiyaan codkan xaqa ah, gaar ahaan wareegyada Sahyuuniyadda caalamiga ah oo ay ku jirto Israa’iil, waxay ku jiraan xaalad argagax weyn.
“Taariikhdu si isku mid ah ayay ku dhammaatay dhammaan dadkii xasuuqa geystay iyo taageerayaashooda,” ayuu raaciyay.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Israa’iil Katz uu baraha bulshada ku sheegay hadalo aflagaado iyo sumcad dil ah oo uu ku bartilmaameedsaday madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.