Sahan media Muqdisho: Baaritaan lagu samaynaayey nin Soomaaliyeed oo geeriyooday saacado ka dib markii la xiray, dhaawacyana ay soo gaareen ayaa lagu sheegay “inuu u muuqdo in sun lagu garaacay” sida baaritaanka lagu sheegay.
Maxamuud Maxamed Xasan oo ahaa 24 jir ayaa geeriyooday 9 Janaayo 2021, ka dib markii laga helay isagoo aan nuuxsanayn guri ku yaalla Newport Road Cardiff.
Habeennimadii ka horreysay ayaa la xiray, ayadoo looga shakiyey in uu jebiyey nabadda, waxaana la sii daayey ayadoo aan eedeyn lagu soo oogin. Laba markhaati ayaa baaritaanka u sheegay in Maxamuud Xasan uu u sheegay in boolisku ay garaaceen, nabarrana ay gaarsiiyeen.
Saleebaan Maxamed oo adeer u ah Maxamuud ayaa isna baaritaanka uga warramay xilligii shaqaalaha caafimaadku ay isku dayayeen inay dib u soo kiciyaan, isagoo tilmaamay in “Xuddunta iyo wixii ka korreeya iyo jirkiisa oo dhan uu gaduudnaa”.
Maxamed wuxuu dhaawacyada gaaray wiilka uu adeerka u yahay ku tilmaamay kuwo waaweyn, wuxuuna intaa ku daray in “faruurtiisa ay go’nayd” dhiigna uu ku yaallay dharkiisa, uuna u muuqday mid “mid daallan, naxsan oo kaalmo u baahan”. Wuxuu kaloo sheegay markii wax lag weydiiyey wixii dhacay in wiilkiisa uu yiri “Booliska booliska”.
Markii su’aal laga weydiiyey sidii uu wiilku u ekaa wuxuu Maxamed sheegay in uu dhiig ku yaallay, jirkiisana uu gaduudnaa, isagoo intaa ku daray “xaaladda uu ku sugnaa waxay ahayd mid aanan jeclayn in aan qof kale ku arko”.
Xeerbeegtida waxay kaloo dhegeysteen Maxamuud eeddadii oo la yiraahdo Seynab Xasan, taasoo aragtay saacado ka hor intii aan la sii deyn. Waxay sheegtay inay isku dayday in gargaar caafimaad loo fidiyo, balse uu diiday, isagoo sheegay inuu daallan yahay. Waxaan ka welwelsanaa inuu dhaawac gudaha ah qabay” ayey ku tiri xeerbeegtida.
Xeerbeegtida waxaa la tusay muuqaallada kaamerada qarsoon oo uu ka muuqday Maxamuud oo ka soo baxaya saldhigga booliska Cardiff Bay, ka dibna Taxi u raacaya Newport Road.