sahan media Muqdisho: Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa tababar siiyay saraakiisha booliiska dambi-baarista ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle si ay uga caawiyaan ogaanshaha iyo la dagaallanka dambiyada maaliyadeed iyo carqaladeynta maalgelinta argagixisada.
Tababarka oo ay fududeeyeen qaybta booliska ee ATMIS, ayaa isugu jirtay casharo aragtiyeed iyo kuwo la taaban karo. Saraakiishu waxay sare u qaadeen xirfadahooda xagga sirdoonka maaliyadda, ogaanshaha lacagaha la dhaqay, baarista musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta, iyo fahamka hababka baarista.
“ATMIS waxa ay aqoonsan tahay baahida loo qabo in la dhiso awoodda dhiggeena Soomaaliyeed oo aan siinno aqoon ku wajahan isbeddelka sii kordhaya ee dambiyada maaliyadeed iyo maalgelinta argagixisada ee Afrika iyo caalamkaba,” ayuu yiri Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (ASP) Ernest Agbo. Taliyaha Booliska ATMIS ee Jowhar.
Waxa uu intaa ku daray “Waan ku faraxsanahay natiijada ka soo baxday tababarka. Tani waxay soo shaacbaxday intii lagu guda jiray kulamadii su’aalaha iyo jawaabaha, oo ay saraakiishu soo bandhigeen waxqabad heersare ah. Waxaan ku kalsoonahay inay hadda si fiican u qalabaysan yihiin inay ogaadaan oo joojiyaan ganacsiyada maaliyadeed ee sharci darrada ah iyo inay ku guuleystaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada”.
Taliyaha Ciidanka Taraafikada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Col. Xasan Daa’uud ayaa uga mahad celiyay ATMIS garab istaagga iyo la talinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxa uu ka codsaday ATMIS tababaro noocan oo kale ah.
“Waxaan rabaa in aan uga mahadceliyo ATMIS tababbarka tayaynta ee ay siiyeen Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Waxaan ku boorinayaa saraakiisha inay si hufan uga faa’idaystaan xirfadihii ay barteen, waxaana ka codsanayaa ATMIS inay noo qabtaan barnaamijyo tababar iyo hagitaan dheeri ah,” ayuu yiri Col. Daa’uud gebagebadii tababarka.
Munaasabadda xiritaanka tababarkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uul ka tirsan hay’adda ATMIS ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, Christopher Aria iyo taliye ku xigeenka ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM Col. Dismas Hakizimana iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.