Google search engine
HomeWararka MaantaHay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Kenya oo eedeysay madaxweyne Ruto

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Kenya oo eedeysay madaxweyne Ruto

Sahan media Muqdisho: Guddiga xuquuqul insaanka ee Kenya (KHRC) ayaa cambaareeyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweyne William Ruto ee uu ku beeniyay in uu wax ka ogaa af-duubyo boolisku u gaysteen mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda, iyagoo ku tilmaamay hadalkaas mid been abuur ah.

“Komishanku waxay ogyihiin in ilaa hadda la afduubay in ka badan 22 qof, 53 qofna si aan sharci ahayn loo xidhay, oo ay ku jiraan dhakhaatiir iyo qareeno. Kuwo kalena waxay ku dhuumanayaan khataro ay booliisku u gaysanayaan naftooda,” KHRC ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay.

“Sheekada madaxweyne Ruto ee ah inuusan ka warqabin qof Kenyan ah oo ay ciidamada ammaanku ku wayeen mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda waa been cad. Maalintan caalamiga ah ee dadka la waayay, William Ruto waa in lagula xisaabtamaa dadkan la la’yahay ee lagu qasbay ee ka dhacay amarkiisa,” ayay ku dartay guddiga.

Intii lagu guda jiray kalfadhiga golaha deegaanka ee Khamiistii, Madaxweyne Ruto wuxuu ku adkaystay inuusan ka warqabin wax afduub ah, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in daraasiin shaqsiyaad ah ay qabteen dad looga shakisan yahay inay yihiin bilays tan iyo bartamihii bishii June. Wuxuu ku casuumay qoysaska dadka la la’yahay inay la yimaadaan magacyo si maamulkiisa uu tallaabo uga qaado.

“Sida aan maanta kula hadlayo, ma hayo magac qof la afduubay ama la waayay,” ayuu yiri Ruto mar uu ka hadlayay shirka golaha deegaanka ee Kisumu, galbeedka Kenya.

KHRC ayaa ka jawaabtay iyadoo muujisay kiisas badan oo la diiwaan galiyay oo ah dad la wayay oo lagu qasbay iyo silica soo gaaray qoysaska ay dhibaatadu gaartay. Guddiga ayaa ku booriyay dowladda inay sameyso baaritaan madax banaan, isla markaana ay si deg deg ah wax uga qabato xadgudubyada.

Madaxweyne Ruto ayaa horay u soo jeediyay in hay’adda Ford Foundation ay ku lug leedahay maalgelinta qaar ka mid ah mudaaharaadyadii ruxay Kenya bilihii la soo dhaafay. Hadaladiisa ayaa walaac ku abuuray dhinacyada kala duwan oo ay ku jiraan bulshada diblumaasiyadeed.

Mudaaharaadyada, oo ka dhashay canshuur kordhin lagu sameeyay sharciga maaliyadda 2024, ayaa ka dhacay Kenya bilihii June iyo July, taasoo keentay dhimashada ugu yaraan 50 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Maamulka Ruto ayaa wajahaya baaritaan xoogan oo ku aadan qaabka uu u maareeyay mudaaharaadyada, kaasoo sidoo kale geystay burbur hantiyeed oo baahsan.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments