sahan media Muqdisho: Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal uu ka dhacay deegaanka Dumaaye kaasoo lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Howlgalkan oo ahaa mid aad u qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye, kadib markii ciidamada dowladda ay wadada u galeen saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku socdaalayay halkaasi.
“Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha oo xogtooda la hayey, kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, waxaana halkaas lagu khaarajiyey Horjoogihii ay beegsanayeen, kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Mudug iyo Galguduud”
Magaca horjoogaha la dilay ayay dowladda ku sheegtay Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde), waxaana lala dilay sarkaal kale oo ajnabi ahaa iyo 5 xubnood oo ilaalo u ahaa.
Horjoogaha oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay Ciidamadu u daba socdeen ficiladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo Ajinabi ah oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxayna kasoo furteen Hubkii iyo Agab kale oo dagaal oo dhagarqabayaashaasi ay wateen” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.