Google search engine
HomeWararka MaantaIskaashiga istratijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga oo xoogeysanaya

Iskaashiga istratijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga oo xoogeysanaya

Sahan media Muqdishu: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay TCG Kınalıada Corvette. Wuxuu carabka ku adkeeyay iskaashiga istiraatijiyadeed ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bini’aadantinimo, amniga, difaaca, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo.

Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya waxaa ansixiyey labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana saxiixey madaxweynaha Soomaaliya, heshiiska ayaa qaadanaya muddo 10 sano ah.

Heshiiska badda ee Turkiga iyo Soomaaliya ayaa yimid iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo ka dhalatay heshiis is afgarad ah oo ay wada saxiixdeen Addis Ababa iyo maamulka Somaliland ee sheegtay in ay ka go’een Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments