Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay ku sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu dagaal la galo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Madaxweynaha Rwanda oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka France 24 ayaa waxa uu dib ugu laabtay xiriirka aan wanaagsaneyn ee u dhaxeeya dalkiisa iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
“Waxaan diyaar u nahay inaan dagaallano… Waxba kama baqayno,” ayuu yiri. Isaga oo ka jawaabaya eedeymaha dhawaan ka yimid dhiggiisa Congo, Félix Tshisekedi, sida uu sheegay Rwanda in ay ka abaabulayso “xasuuq” bariga DRC, Paul Kagame wuxuu ku eedeeyay, fal liddi ku ah, Félix Tshisekedi inuu abaabulay soo celinta “fikirka xasuuqa” bariga DRC, oo lagu beegsanayo Tutsiga Congo.
“Haddii aad dadka kale ku eedayso waxa aad dembi ku leedahay, waxbaa kaa qaldan,” ayuu carrabka ku adkeeyay. Isaga oo diiday in uu xaqiijiyo joogitaanka askarta Rwanda ee ciidda deriskiisa Kongo, Kagame waxa uu ku dhawaaqay in ay waajib nagu tahay in aan isa su’aalno sababaha keenay dhibaatada.