Google search engine
HomeWararka MaantaKoox caafimaad oo Masari ah ayaa muwaadiniin Soomaali ah ku baaray Muqdisho

Koox caafimaad oo Masari ah ayaa muwaadiniin Soomaali ah ku baaray Muqdisho

Sahan media Muqdisho: Koox caafimaad oo Masaari ah ayaa 1,674 muwaadiniin Soomaaliyeed ah ku baaray 7 xarun bukaan socod ah oo ku yaalla isbitaalka guud ee De Martino ee magaalada Muqdisho, waxaana ay sameeyeen 436 qalliin oo takhasusyo kala duwan leh, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Dadweynaha Masar Sabtidii.

Kooxdan oo soo gaartay caasimadda Soomaaliya 20-kii Sebtembar, ayaa bixisay adeegyo caafimaad oo isugu jira qalliinno guud, hab-dhiska dheefshiidka, Kansarka, Lafaha, Wadnaha, daawaynta gudaha, dhallaanka iyo haweenka, cudurrada carruurta, suuxdinta, iyo xaaladaha halista ah, ayay kooxda caafimaadku sheegtay.

Hossam Abdel-Ghaffar, oo ah afhayeenka wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in kooxda Masar ay siiyeen adeegyo tababaro ah oo ay siinayeen shaqaalaha caafimaadka Soomaaliyeed ee takhasusyo kala duwan leh.

Wuxuu intaas ku daray in dhammaan carruurta Soomaaliyeed ee soo booqatay xarumaha bukaan-socodka ay baaritaan ku sameeyeen, isla markaana ay u fidiyeen dawooyin ku habboon iyo nafaqooyin.

Dhanka kale, kooxda Masaarida ayaa ka wadahadley sidii ay u wada shaqayn lahaayeen madaxda caafimaadka Soomaaliya, oo ay ka mid tahay in ay Masar ku tababaraan hawl-wadeennada caafimaadka Soomaaliya iyo sidii xarun caafimaad oo Masar looga hirgelin lahaa Soomaaliya.

Sidoo kale, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kooxda Masar waxay ka wada-hadleen suuro-galnimada in la sameeyo Farmashiye Masar ah oo dawooyin u keena suuqyada Soomaaliya iyo dalalka dariska ah iyo fududaynta daaweynta bukaannada Soomaaliyeed ee ku jira isbitaallada Masar.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Mariam Maxamed, Safiirka Masar u fadhiya Muqdisho Maxamed El-Baz, Qunsulka Guud ee Masar Kariim Hishaam, ayaa ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee Aden Abdullah International Airport.

Bishii Luulyo, Masar waxay billowday duulimaadkeedii ugu horreeyay ee tooska ah ee u dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho si kor loogu qaado xiriirka Geeska Afrika, iyadoo bishii Agoosto, Masar ay ku dhawaaqday furitaanka xarun cusub oo safaaradda Masar ay ku leedahay caasimadda Soomaaliya.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments