Google search engine
HomeWararka MaantaMadaxda Midowga Afrika iyo madaxda Dariska ah ayaa cambaareeyay qaraxii Liido

Madaxda Midowga Afrika iyo madaxda Dariska ah ayaa cambaareeyay qaraxii Liido

Sahan media Muqdisho: Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee Sabtidii ka dhacay xeebta Liido ee Soomaaliya.

“Anigoo ka naxay markii aan ogaanay weerarkii argagaxa lahaa ee lala beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa xeebta #Liido ee magaalada #Muqdisho, kaasoo aan si adag u cambaareynayo. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay weerarkaas foosha xun, iyadoo aan si joogto ah ula garab taaganahay shacabka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ee dagaalka kula jira dhibaatada argagixisada”, ayuu Mahamat ku qoray X.

Hogaamiyayaasha gobolka oo ay ku jiraan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa cambaareeyay weerarka ismiidaaminta ah oo ay ku dhinteen ugu yaraan 32 qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 63 kale.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa Geeska Afrika uu aad uga xun yahay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkaasi.

“Bartilmaameedka dadka rayidka ah waxay muujinaysaa quusta ay qabaan dambiilayaashan,” ayuu Geelle ku yiri hadal uu soo saaray.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarka argagixisanimo.

“Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoyska iyo asxaabta, kuna raaxaystaan ​​bilicda xeebaha Soomaaliya. In la beegsado goobtan waa fal laga naxo oo damaanad qaadaya cambaareynta ugu adag,” ayuu ku yiri ku-simaha ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, qoraal uu soo saaray.

Xeebta Liido ayaa waxaa inta badan ku sugan dad shacab ah, saraakiisha ammaanka iyo ganacsatada.

Kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh al-Qaacida, al-Shabaab, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Dhanka kale, ugu yaraan 7-qof ayaa ku dhintay, 4-kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay, kaasoo haleelay gaari yar oo ay la socdeen dad shacab ah oo ku socdaalayay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeele.

Qaraxan ayaa ahaa kii labaad ee wax ka yar 24 ka dhaca Soomaaliya oo ay sanado badan ka dhaceen falal amni darro, iyadoo khatarta ugu badan ay ka imanayeen Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada ah ee Daacish/ISIS.

Tan iyo sannadkii 2007, al-Shabaab waxa ay dagaal kula jirtay dawladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya (ATMIS) – oo ah hawl-gal dhinacyo badan leh oo uu oggolaaday AU-da oo uu u xilsaaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments