Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Oslo ee caasimadda Norway, halkaas oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyey.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa u bilaabatay booqasho shaqo oo saddex maalmood qaadaneysa.
Madaxweyne Xasan ayaa wadahallo laba geesood ah la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway.
waxaa kaloo la filayaa in madaxweynuhu booqashadiisa Norway kadib in uu tago dalka ingiriiska iyo Switzerland oo uu uga qayb gali doono
15-16 shir madaxeedka nabada ee Ukraine, Bern, Switzerland,