Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaca ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Wang Yu oo ah safiirka cusub ee dowladda Shiinaha u soo magacawday Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay rabitaanka safiirka cusub ee Shiinaha ee ku aaddan horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, iyo amniga.
“Soomaaliya waxay ahmiyad weyn siinaysaa iskaashiga ay la leedahay Shiinaha, waxayna diyaar u tahay inay Shiinaha kala shaqeyso sidii ay si joogto ah u ballaarin lahayd iskaashiga saaxiibtinimada iyo sare u qaadida xiriirka labada dal,” ayuu yiri Maxamuud oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay in Shiinuhu uu Soomaaliya ka taageero dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin gargaarka bini’aadantinimo, deeqaha waxbarasho, iyo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada qaranka iyo wadajirka dhuleed.
Dhankiisa, Wang ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay nabadda, amniga, iyo dib u dhiska qaranka sannadihii u dambeeyay.
Wang ayaa carabka ku adkeeyay in Shiinuhu uu doonayo in uu si wada jir ah ula shaqeeyo Soomaaliya iyo in la sii fuliyo is afgaradkii ay labada dal gaareen si xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya loo gaarsiiyo meel sare.
Wang ayaa bedelaya Fei Shengchao, oo loo magacaabay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Sebtember 2021.