Google search engine
HomeWararka DibaddaMarkab marayay xeebaha Yémen oo lala helay gantaallo lagana baqayo in uu...

Markab marayay xeebaha Yémen oo lala helay gantaallo lagana baqayo in uu dago.

Sahan media Muqdisho: Markab ganacsi ayaa lagu weeraray meel ka baxsan dekedda Xudeyda ee Yemen Talaadadii ka dib markii ay ku dhacday dhowr gantaal, sida ay sheegtay shirkadda amniga badda ee Ambrey.

Markabka ayaa “waxaa lala beegsaday saddex gantaal,” ayuu yiri Ambrey, isaga oo intaa ku daray in wicitaan murugo leh soo sheegay in “ay waxyeello soo gaartay shixnadda oo aysan galeen biyo”.

Shirkadda ma aysan sheegin magaca markabka iyo tirada shaqaalaha ee la socday

Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO), oo ay maamulaan ciidamada badda ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa ku sheegay barteeda bulshada ee X in markabka uu soo sheegay “in uu jiro “burbur xooggan.

“Shaqaalaha markabka ayaa lagu soo waramayaa inay bad qabaan, markabkana wuxuu ku sii socdaa dekeddiisa xigta,” UKMTO ayaa tiri.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyadoo weerarkan uu ku soo beegmay xilli ay socdaan olole ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada la beegsanayaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee ay geysanayaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto.

Weerarada fallaagada oo ay sheegeen inay taageerayaan falastiiniyiinta, ayaa keenay in qaar ka mid ah shirkadaha maraakiibta ay u wareegaan koonfurta Afrika si ay uga fogaadaan badda cas, oo ah waddo muhiim ah oo sida caadiga ah qaada qiyaastii 12 boqolkiiba ganacsiga adduunka.

Tan iyo bishii Janaayo, Mareykanka iyo Britain waxay bilaabeen weeraro aargoosi ah oo ay ku beegsanayaan bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen, iyagoo ka jawaabaya weerarada maraakiibta.

Duqeymahan ayaan wax badan ka tari doonin Xuutiyiinta oo wacad ku maray in ay beegsan doonaan maraakiibta Mareykanka iyo Ingiriiska iyo sidoo kale dhammaan maraakiibta ku wajahan dekedaha Israel.

Isniintii, ciidamada militariga Mareykanka ayaa burburiyay diyaarad Drone ah oo dul mareysay badda cas oo laga soo riday dhulka ay Xuuthiyiinta ka maamulaan Yemen, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee CENTCOM.

Bishii Maarso, markab sida bacrimin ayaa ku dagtay gacanka cadmeed ka dib markii ay waxyeelo ka soo gaartay gantaalada ay riday fallaagada Xuutiyiinta.

Bishii Nofembar, Xuuthiyiinta waxay qabteen Markabka Galaxy Leader iyo shaqaalihii la socday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments