Google search engine
HomeWararka MaantaMashruucyadii beeraha iyo buundadii Sabuuni ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo dib loo...

Mashruucyadii beeraha iyo buundadii Sabuuni ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo dib loo howlgalinayo

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kulan la qaatay wakiillo ka socday Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee (FAO).

Waxaa shirkaas goobjoog ahaa Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Dowladda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir iyo Wasiirka Wasaarrada Beeraha Hirshabeelle Maxamed Faarax Cali.

Shirkan ayaa diirrada lagu saaray dhammeystirka mashaariicdii horay u socotay, bilaabida mashaariic cusub iyo qaabeynta howlaha labada dhinac muhiimka u ah.

Dhismaha biyo-xireenka Sabuuni wuxuu kaalin ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaadaha,kaydinta biyaha xilliyada abaarta,yareynta faqriga,kordhinta wax soosaarka iyo u adkeysiga isbadalka cimilada.

“Dowladda Hirshabeelle waxa ay diyaar u tahay wax walba oo dhankeeda ah, si loo qabto howl-hufan oo labada dhinac taariikh u sameyso.”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyay dadaalka FAO ay ku bixineyso deeganada Dowladda Hirshabeelle.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments