Google search engine
HomeWararka MaantaMaxay yihiin heshiisyada Soomaaliya la gashay Tanzania?

Maxay yihiin heshiisyada Soomaaliya la gashay Tanzania?

Sahan media Muqdisho: Soomaaliya iyo Tanzaaniya ayaa kala saxiiday dhowr heshiis isfagarad oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, beeraha iyo caafimaadka. Waxaa sidoo kale ku jira heshiisyada, daxiiska, amniga iyo waxbarashada, ”waxaana la isku afgartay in la sameeyo sidii si degdeg ah loogu fulin lahaa heshiisyadaasi”.

Isafgaradyadan ayaa heshiikooda rasmiga ah la filayaa in lagu kala saxiixdo Muqdisho sida uu sheegay Wasiir Daa’uud Aweys.

Tanzania ayaa dhankeeda ballan qaadday in ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan oo ay ku jiraan difaaca iyo amniga, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhalata dalkan xubinta cusub ka noqday urur goboleedka dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Samia Suluxu Xasan ayaa ballan-qaadkan sameysay horraantii Sabtidii kaddib markii ay la kulantay dhiggeeda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay kula kulantay Aqalka Madaxtooyada ee Daarusalaam. Madaxweyne Xasan ayaa booqasho rasmi ah Tanzania ku tagay Jimcihii.

Samia Suluxu Xasan oo oo warfidiyeenka la hadashay ayaa sheegtay in dowladeedu ay diyaar u tahay in ay Soomaalida siiso tababaro la xiriira difaaca iyo dhinacyada kale ee ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada.

Marka laga soo tago dhanka ammaanka, Dr. Samia waxay sheegtay in labada dal ay bilaabeen socdaal ay ku xoojinayaan iskaashiga dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Tanzania sida ay u garab istaagtay xilliyadii adkaa.

Waxa uu xusay in Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka ee saaran dalka maadaama uu dalkiisa uu ku socdo wado wanaagsan oo ku aadan dhimista dhammaan deymaha lagu leeyahay.

Heshiisyadaas la saxiixay waxaa ku jira heshiis ku saabsan maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalkaasi kadib booqashadii Madaxweyne Xasan ee Magaalada Dar es Salaam.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments