Sahan media Muqdisho: Maxkamada Darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun dil ah ku riday Maxamed Abshir Muuse oo magaalada Boosaaso ku dilay Khaalid Cali Khaalid oo kamid ahaa masuuliyiinta Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Boosaaso.
Maxkamada ayaa xukun sagaal sanno oo xabsi ah ku riday Axmed Maxamuud Maxamed oo lahaa gaariga uu ku baxsaday eedaysanaha dilka geystay, halka gaarigiina loo xukumay dowladda.
Maxkamadda oo ay goobjoog ka ahaayeen ehelada labada eedaysane, qareeno u doodayey iyo dadweyne kiiskan la socday ayaa xeer-ilaaliye Cabdiraxmaan Abshir Axmed, wuxuu goobta kusoo bandhigay cadaymo qoraal ah iyo dad markhaantiyaal ah, isagoona goobta ka jeediyey eedda loo haysto eedaysanayaasha.
Dhinaca kale, qareenada u doodayey eedeysanayaasha ayaa dhankooda kusoo bandhigay difaacooda.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee gobolka Bari, Yaasiin Axmed Cabdi ayaa ku dhawaaqay xukunka eedeysanayaasha.