Sahan media Muqdisho: Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ka soo saartay laba Dacwadood oo ka dhan ah mas’uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhaxe, iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Maxkamadda oo dacwada 1-aad ka yeelatay 8-fadhi ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday xukunka soo socda:
Eedeysane Cumar Macallin Nuur iyo Cabdullaahi Maxmuud Cusoble min Hal Sano oo Xarrig ah.
Eedeysane Saabir Xasan Cabdinuur waxaa lagu riday xukun ah Labo Sano & 6 Bilood oo Xarrig ah.
Eedeysane Aadan Maxamed Cabdi waxaa lagu waayay dhamaan eedeymihii loo soo jeediyay.
Maxkamadda ayaa Dacwadda 2-aad ka yeelatay 7-fadhi, xukunna ku soo oogtay 3 eedeysane oo lagu tuhmay lacag dhaqis & maalgelinta agagaxisada, kuwaas oo kala ah:
Eedeysane Abuukar Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 6-Sano oo Xarrig ah.
Eedeysane Maxamed Aadan Cabdullahi waxaa lagu xukumay hal sano oo Xarrig ah.
Eedeysane Cabdiqaadir Cabdi Socdaal waa lagu waayay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.