Sahan media Muqdisho: Mohamedamin Abdirisek Ibrahim ayaa sannadkii hore dilay saaxiibtiis oo uur toddoba bilood jirah lahayd ‘dil sharafeed’ ayaa maxkamad ku taalla dalka Sweden ku xukuntay xabsi daa’in.
Saga Forsgren Elneborg, oo 20 jir ah, ayaa laga helay gurigeeda oo ku yaala magaalada Örebro bishii April 2023 iyada oo la ceejiyay, kiis ka yaabiyay dalka Sweden ayuu noqday.
Dacwad oogayaasha ayaa ku andacoodey in saaxiibkeed Mohamedamin Abdirisek Ibrahim oo 22 jir ah uu go’aansaday in uu dilo halkii uu wajihi lahaa ceeb uu u sheegay qoyskiisa Muslimka ah in saaxiibtiis – oo la rumeysan yahay in ay kala bar Thai, kala bar Iswidhish ah iyo Kiristaan – ay filanayso ilmahiisa.
Waxay ku dacwoodeen in habeenkii uu Ibraahim u sheegi lahaa qoyskiisa uurkii Saga, uu aaday gurigeeda oo ku yaalla Örebro uuna ceejiyay oo uu ku dilay iyada oo xadhigga laambaddeeda qoorta ugu xidhay.
Ibraahim ayaa dhanka kale diiday in uu qirto falka uu geystay, waxa uuna taa badalkeeda isku dayay in dilka Saga uu ku saleeyo dil ay gaysteen kooxo burcad ah, isagoo ku andacoonaya in dambiilayaal ay gudaha u galeen guriga ayna dileen si ay uga qaataan lacag uu halkaasi ku dhex daadiyay.
Garsooraha iyo xeerbeegtida maxkamada degmada Örebro ayaa ku raacay dacwad oogayaasha, iyagoo saaka ku dhawaaqay in Ibraahim uu wajihi doono xabsi daa’in.
Waxa kale oo dhacday intii dacwadu socotay in Ibraahim uu marar badan la kulmay dumar kale intii uu xidhiidhka la lahaa Saga oo uu inta badan diiday in uu qabto wax masuuliyad ah sidii aabbe ahaan lahaa.
Dacwad oogayaasha ayaa soo bandhigay cadeymo muujinaya in Ibraahim uu si joogta ah u ballan qaaday inuu u guuri doono Saga ka dib markii uu ogaaday uurkeeda, haddana waligiis ma aqbalin inuu xitaa hal habeen oo dhan la joogo.